November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dr C/raxmaan Bayle muxuu ka yiri doorashadiisa

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo shalay lagu doortay Muqdisho ayaa sheegay iney u dhacdo doorashada siduu filayay si ka duwan.

Wuxuu sheegay Mr Ducaale in baqdin badan ay ku jirtay,islamarkaana uu maanka ku hayay in doorashada aysan ku qabsoomi karin xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir,balse si habsami leh oo ah sidii loogu talagalay ay u dhacday.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu mahad celiyay howshan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geystay.

Kuraastii ugu horeysay ee doorashada Xubnaha aqalka hoose ee ka imaanaya deegaanada waqooyi ayaa shalay lagu doortay Muqdisho.