X

Dr C/raxmaan Bayle oo khaati ka taagan RW Kheyre lagana diidey in uu is casilo

Dr C/raxmaan Bayle ayaa khaati ka taagan RW Kheyre lagana diidey in uu is casilo. Madaxweyne Farmaajo ayaa diidey in Bayle is casilo si weyna uga soo horjeedsadey.



Wasiir Bayle ayaa ka cabanaya culays xoog leh oo uu saaray Raisal wasaare Khayre, kadib markii uu kala daadiyey raisalwasaaruhu qorshihii la dagaalanka musuq maasuqa, ayna xafiiska wasiirka soo gaareen amaro badan oo faraya in uu cashuur dhaaf u sameeyo ganacsato u dhow raisal wasaaraha, amaradaas oo ka yimid raisalwasaaraha.



Wasiir Bayle ayaa go’aansaday in uu iska casilo xilka, waxana uu ku war galiyey Raisal wasaaraha iyo madaxweynaha, waxaana aad uga soo horjeestay madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa ku qanciyey Bayle in uu xilka sii hayo arinta la xalin doon, ayna jiraan wasiiro kale oo cabasho tan la mid ah ka soo gudbiyey Raisal Wasaaraha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.