Dr C/raxmaan Bayle ayaa qorshaynaya in xildhibaanada laga qaado cashuurta ku waajibtey. Xildhibaanada tirada badan ee an faaiidada lahayn ee isku caaya xaunta golaha shacabka ayagoon waxba qaban ayaa lacag bilaasha ku qaata xaruntas taas oo ay dheertahay in amnigooda weliba la ilaaliyo.
Waa markii ugu horeysay muddo ka badan 25 sano oo cashuurta ku waajibta lagu soo rogo xildhibaanada fadhiga ku qaata lacag ayna u shaqayn.
Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.Wuxuu sheegay qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan inay waajib ku tahay bixinta canshuurta, balse hadda dadka qaar aanan la qaadin, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.
C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu tilmaamay inuusan hadda jirin sharci qeexaya in canshuur laga qaado Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay, balse wuxuu sheegay in arintaasi ay socoto qorshaheeda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS