X

Maydad horleh oo laga helay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Maydad horleh ayaa laga helay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in meydka laba qof oo raga laga helay Woqooyiga magaalada.



Waxa wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi ay korkooda ay ka muuqdeen xabado farabadan oo lagu furey. Ciidanka amniga ayaa dadkaasi u soo qaadey isbitaalada si loo baaro.



Dadka degaanka ayaa la sheegay inay arkeen meydadka kadibna ku soo wargeliyeen Ciidamada Amaanka. Gobolka Mudug ayaa waxa jira kooxo kala duwan oo isku haya lamana garan karo in dilkan argagixisadu shaqo ku leedahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.