X

Dugsiyada hoyashada Abaarso iyo Barwaaqo maxay uga duwan yihiin dugsiyadii gumeysiga?

Ninka mashruucan dugsiga hoyashada ee Abaarso hirgeliyay wuxuu na leeyahay waxaan hirgeliyay hal booqasho oo aan ku imi Hargeysa maadaama edadii uu qabo nin Somali ah oo ka soo jeeda isla Hargeysa. Waxase soo baxday inuu taageero ka helo shirkado waaweyn oo ka dhisan dalkaasi Maraykanka.


Wuxuu kaloo noo sheegay inuu macalimiinta ka wada qortey internetka intooda badana ayna haba yaraatee lahayn aqoon hore oo macalinimo. Halkaana uu ka soo baxayo firaaq dhinaca tayada waxbarashada.

Dugsigan oo markii hore arday badan ayna tagin waxa hadda loogu yaacaa sida Ayaxa maadaama arday ka mida loo qaaday Maraykanka taas oo u keentay soo jiidasho badan oo dhoof ku salaysan. Waana halka loo baahan yahay in la fiiriyo diiniyan.


Jaamacad ku sheega kale ee Barwaaqo ayaa sidan oo kale iyadna loo abuurey maadaama ayna jirin maamulkan Muuse Biixi dad leh aqoonta ay ku sixi karaan in waxani jaamacad u qalanto iyo in kale.

Waxaadse is weydiin kartaa labadan meelood ee Abaarso iyo Barwaaqo oo dhab ahaantii ah dugsiyo hoyasho oo Maraykana sidii Camuud iyo Sheekh markii dabe, maxay uga duwan yihiin dugsiyadahaas gumeysigu dhisay?


”Waxa Ingiriisku soo saaray dad iyaga fahmi kara oo ay ugu yeeri jireen dad aqoonle, waxa isla sidan oo kale ku doodaya ninka isagu maalgeliyay dugsiga hoyashada Abaarso. ”Wuxuu leeyahay waxaan soo saaraynaa madaxdii berito halka kan Barwaaqona ay leeyihiin waxaan soo saarayna haweenkii beri ee macalimiinta noqon lahaa, marka waa kuwii gumeysiga uun.

”Ani fikir ahaan waxba kama duwana dugsiyadii gumeystuhu ka dhisay dalka oo kuwii ka soo baxay oo fikirkooda qabay ay markii dambe noqdeen kuwii dalka hogaamin jirey ayuu yiri Maxamed Wayrax.


Waxa horjooge Muuse Biixi u xidhey wadaadka Coldoon oo isagu ka hadlay waxa dugsigaa lagu baro ardayda inkastoo aanu keenin cadaymo laakiin uu la yimi keliya tuhun caama maadaama gaalo wax barayso caruuteena.


Waxase markii dambe caawisay eedaytntaas kaniisada naagta macalimada ka ah dugsiga Barwaaqo oo kaniisadu ku amaantey hawsha ay ka hayso Hargeysa duleedkeeda inkastoo markii dambe ay haddana beeniyeen runtii hore ee ay sheegeen. Horjooge Muuse Biixi ayaa isna isdaba qabtey oo markii dambe ku baaqay in la baaro eedaymahaas inay wax ka jiraan.

Baaritaanka maamulku ku baaqay


”Waxaad is weydiin kartaa ma leeyihiin aqoonta ay ku ogaan karaan in dugsiyadan ardayda lagu baro wax lidi ku ah diinta Islaamka jawaabtu waa MAYA waayo waxay ahayd inay markii horeba la yimaadaan inay iska baadhaan intaan la furin laakiin maadaama gobolku yahay maamul jufeed ma jirto tayadaasi, waana tan keentay in ajaanibtu siday rabaan uga faaiideystaan dawlad la’aanta ka jirta dalka intiisa badan ayuu tiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.