X

Argagixisada Taalibaan oo sheegay inay go’doomiyeen dooxada Banjir ee qowmiyada Tajik

BANJIR

Argagixisada Taalibaan ayaa sheegay inay go’doomiyeen dagaal yahanada Tajik ee gobolka dooxada Banjir. Dooxadan oo leh difaac dabiiciya aya xataa aanu qabsan midowgii Soofeeti markii ay joogeen Afqaanistaan.


”Dooxadu waa isla tii laakiin hadda waxa faraqu ka jiraa xilligaas reer Tajik waxaa u furnaa gobolada xadka la leh Tajikistaan haddase taasi majirto oo waxa jooga Taalibaan ayuu qabaa Xuseen Warsame.

”Hadii dagaalka ay galaan reer Usbek iyo reer Xasaara oo Shiica ha waxa dhici karta in culeyska laga qaado reer Tajik inkastoo ay adag tahay sida argagixisada Taalibaan ku geli karto dooxadaas oo leh hal wado oo keliya inta kalana ay tahay buuro.


Tani waxay muujinaysaa in argagixisada Taalibaan dalkoo dhan xukumin, dagaal halkan ka bilowdana uu saamayn ku yeelan doono dalalka la jaara Afqaanistaan oo qaba in qowmiyadoodii weerar lagu yahay.


Si kastaba ha ahaadee dhiigmiiratada Taalibaan yaa sheegay inay furayaan wadahadal inkastoo ilaa hadda lagu wareersan yahay sida ay u dhisi doonaan dawlad la wada leeyahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.