November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dulqaadka iyo wanaagiisa iyo cilmiyo gaagaaban oo ku saabsan akhlaaqda iyo wacyi gelinta diinteena

Qofku ha isku fiirsado isagu hana saxo khaladkiisa inta uuna isku dayin inuu saxo qofkale.. Kadib waxa dhacaya in qofkaste saxo qaladkiisa una dulqaato qaladka qofka kale haddii aanu si degdega wax ugu dhimayn bulshada.

◾ Kooxaha xagjirka ah diintoodu waxay ku salaysan tahay in loo fiirsado qofka, waxna laga sheego. Arintaasi waxay keentaa dambi horleh oo ah inuu xanto qofkii kale. Waxaa kale oo jira arin aad u muhiima ah oo ah sida qofka wax loogu sheego.

◾ Iska ilaali inaad qofka si caama ama lawada maqlayo wax ugu sheegto adigoo adeegsanaya aaladaha hadda aduunka ka jira ee loo yaqaan warbaahinta.

◾ Faafinta diintu waxay u baahan tahay aqoonteeda, qaasatan waxa loo yaqaan wacyigelin, ha noqoto qof aan Muslim ahayn inaad u gudbiso diinta ama qof Muslima inaad isku daydo inaad saxdo.

◾ Adigoo ku jira arimaha faafinta diinta waxa dhici karta haddii aanad lahayn aqoonteeda inaad abuurto xumaan ama nacayb horleh meeshii adigu aad filaysey inaad wax gudbisey.

◾ Markaa faafinta diintu sidey doontaba ha noqoto waxay u baahan tahay in cilmigeeda loo soo barto.

Qof dulqaadleh kaliya ayaa faafin kara diin iyadoo taas ay u dheertahay in uu yaqaan sida dadka loo wacyi geliyo oo ah cilmi dhan oo aan ka baran karo rasuulkeena SCW.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM