X

Dumar Somali ah oo masaakiina oo shabaab ku gawracay xeradii Leego iyo sheekadii Safiya oo ka badbaadey: dad diintu ku yartahay!!!

Safiya waxay ka mid tahay dadkii ka xoogsanayay xeradii Leego ee argagixisada shabaab gaadmada ku gashay halkaana ku dishey askar u dhalatey Burundi oo ka seexday hawshii loo igmadey iyo ka badbaadinta argagixisada dhulka Somalida. Haweenaydan ayaa ku sugney xerada xilliga shabaab soo galeen.

Safiyo waxa ay sheegtay in iyagoo gaarayo 8 dumar oo Soomaali ah ay ka dhex shaqeynayeen goobo lagu cunteeyo oo ku taalla gudaha xarunta, waxa ayna sheegtay in weerarka lagu dilay ilaa Shan kamid ahaa dumarkaasi.

Waxa ay ka sheekeysay qaabka loo dilay saaxiibadeedii la shaqeynaayay, wayna il meysay goortii ay ka shekeeynaysay dhacdada waxa ayna carabka ku dhufatay in qoorta laga wada jaray gabdhihii la shaqeynaayay, kaadib markii kushiinka goobta ay ku iibinayeen raashiinka ay u galeen ilaa 4 Maleeshiyo oo ka tirsan dhiigmiiratada shabaab oo maka hore rasaas ooda kaga qaaday kadibna u adeegsaday mindiyo.

Waxa ay tiri Safiyo Axmed ’’Anagu waxaan aheyn dad masaakiin ah oo nolol maalmeedkooda ka raadin jiray maqaaxi nooga furneyd xarunta, waxaa hareeraha xarunta kasoo booday argagixisada shabaab badan oo ku kala orday xarunta waxa ay bilaabeen rasaas iyo qaraxyo’’

‘’Waxa ay isku qeybiyeen laba koox, kooxda koowad waxa ay ku howlanaayen gowraca dadka baxsadka ahaa, kooxda kale waxa ay ridayeen rasaas waxa ayna la beegsanayeen askarta AMISOM’’

‘’Anagoo tiro dumar ah ayay noogu soo galeen kushiinka waxa ayna nagu fureen rasaas, aniga wan istuuray waxaana iska dhigay qof ay rasaasta haleeshay, intaa kadib mid iyaga kamid ahaa ayaa ku qeyla dhaamiyay dumarka rasaasta hanooga qasaarinina wan gowraceynaa, waxa ay gowraca ka bilaabeen walaashey iga yar qoorteda aniga ayay igu soo dul tuureen waxa ayna ii saareen dhabarka’’

Safiyo Axmed waxa ay sheegtay in argagixidsada shabaab ay yihiin kuwo naxariis daran, waxa ayna ku tilmaantay kuwo ay ku yartahay diinta islaamka.

Dhanka kale dawlada Somalia ayay ku dhaliishay inay sabab u tahay dhacdadii ka dhacday Leego kadib markii ay xarunta ka fogeysay Ciidamadii Militeriga Somalia oo deganaa mid kamid ah baraha koontoroolka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.