22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dumarka indhashareerta ee ku nool Ingiriiska oo la kulma cadaawad uga timaada dadka shacabka

Warbixin laga diyaariyay dhibaatooyinka haysta Musliminta Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dambiyada ay helaan booliiska Ingiriiska magaalooyinka qaar uu yahay mid lagu qaado haweenka indhashareerta. Haweenkaas oo sheegay in ay la kulmaan dambiyo sababta ugu weyna ay tahay in shacabka qaarkii ay ka baqayaan. Dambiyada laga galo gabdhaha muslimka ah ayaa la sheegayaa in uu kordhaya kaas oo qaarkood ka imanaya jaarkooda halka qaar kalana kala kulmayaan dugsiyada ay aadaan.

Halkaas oo saaxiibadahood ay u soo diraan fariimo cay ah. Waxa barnaamij lagu baadhayay dambiyada noocana la hadashay gabadh ciyaala iskuul ahayd oo markii hore caadi ahayd oo wajigeedu furnaa laakiin xijaabka wadatay,, ay markii dambe xiratay indhashareer taas oo ka caraysiisay saaxiibadeed.

Gabadhan ayaa sheegtay in waalidkeed ay dhowr jeer ku yiraaheen xiro indhashareerka iyadoo sababo badan oo dhaqanku ka mid yahay uu jiro ee ayna ahayn mid diin ku salaysan.

Dumarka Muslimiinta ee ku nool wadamada Yurub ayaa hadda wada xirta dhar madow iyagoo qaarkood ku daraan indhashareerka iyadoo xataa wadamada ay ka yimaadeen ee Musliminta ah qaarkood aan laga xidhan dharkaasi sida wadamada Bangladesh, Bakistaan, Somaliya, Afganistaan burburka kahor iyo Siiriya laakiin dharkani u khaas yahay dalalka Iiiran iyo Carabta Khaliifka.

Dambiyada lala beegsaday haweenka ayaan lala beegsan raga. Dhawr sano kahor ayay ahayd markii xubin ka tirsan barlamaanka Ingiriiska uu sheegay in aanu jeclaysan in uu arko haweenay indha xiran oo u timaada isaga,,inkasta oo uu bixiyay raaligelin markii dambe maadaama dadka u dhexeeyo.

Dhinaca kale nin hadda la xiray afar sano oo haweenay muslimad ah feedh kaga dhiftey qoorta oo madow ahaa ayaa sheegay in uu dareemay handadaad dharka ay xiran tahay kaas oo lagu sheegay arin khaasa.

WP_20150915_011[1]WP_20150915_012[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM