X

Duqa cusub ee magaalada Muqdisho oo la wareegay xilka: SAWIRO

Duqa cusub ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay xilka. C/raxmaan Yariisow oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa xilka kala wareegay Taabit oo galay arimo dastuur oo foolxuma ah.



“Waan u mahadcelinayaa madaxda sare ee qaranka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ Ayuu yri Guddoomiye Eng. Yarisow.



“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”.Ayuu raaciyey.



“Waxaan u caddaynayaa bulshada degan Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Benaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimaddu waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Ayuu yiri Gudoomiye injineer Yariisow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.