X

Tukaan weyn oo laga leeyahay Sweden oo joojiyay iibka sharabaado iyo sababta

Tukaan weyn ee H&M ee laga leeyahay Sweden ayaa joojiyay iibka sharabaado kadibna ka saaray dhamaan tukaanada waaweyn ee uu ku leeyahay caalamka. Tukaankan ayaa dharkiisa lagu sameeyaa wadamada Muslimka ah sida Bangaladeesh.



Bishan horaanteedii ayay ahayd markii tukaankan weyni soo dhigey sawir kuyar oo madow ah oo ay ku sheegeen daayeerka duurka. Tukaanka ayaa markii dambe raaligelin bixiyay.



Dadka baraha bulshada ayaa aad u cambaareeyay wacadna ku maray inayna dib wax uga iibsan tukaankan cunsuriga ah.

Arintan sharabaadada ayaa iyadna timi kadib markii sharabaado la xardhey marka loo rogo dhinaca kale ay u qormeen magaca RABUL CAALAMKA EE ALLAH.

Markale tukaanka ayaa dhamaanba ka saaray sharabaadada noocaasa tkhaanadaha tukaanka, raaligelina ka bixiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.