X

Duqa degmada Gaalkacayo oo ku qosley xilka qaadis la sheegay

Duqa degmada Gaalkacayo qaybta Galmudug ayaa ku qosley xilka qaadis uu soo saaray horjooge Xaaf oo marhore xilka Ku wareejiyay wasaarada arimaha gudaha haddana aan ku jirin musharixiinta maamulka lagu hogmay ee Galmudug.


Sheekada federaalka ayaa dalka gaarsiisay in xilligii ummada wax loo qaban lahaa lagu mashquulo in xoolihii masaakiinta fadhiga lagu cuno.


Haddaba gudoomiyaha degmada Gaalkacayo qaybta Galmudug ayaa ku qosley warqad uu xalay soo qorey Xaaf markii labaad oo uu Ku sheegay inuu xilkii kaga qaaday.


Waxaan uga digeynaa Xaaf in qaska uu bilaabay uu isagu kun guban doono ayay yiraaheen guddiga degmada.

Maamul u samaynta halkee maraysaa


Shalay ayaa la soo dhejiyay shuruudaha looga baahan dadka u tartamaya gudoonka barlamaanka maamulka Galmudug oo ay ku jiraan inuu yahay Soomaali muddana uu ku soo jirey maamulka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.