X

Maamulka Somalilaan oo toogasho ku fuliyay lix nin

Maamulka Somalilaan ee magaalada Hargeysa ayaa dil toogasho ah ku fuliyay lix nin oo ka soo kala jeeda gobolada Togdheer, Woqooyi Galbeed iyo Sool. Ragga la toogtey ayaa la sheegay inay hore u fuliyeen dilal arxandato, waxana dilka codsaday ehelada ay dadkooda dileen.


Ragga la toogtey ee gaaraya lixda ayaa lagu sheegay magacdooda Axmed Gurey Ibrahim Faarax, Farxaan Maxamed Xasan, Cabdullaahi Ismaciil Xayd, Ceydatuus Khadar Haybe, Khadar Aleel iyo Xasan Maxamuud Cismaan.


Dhamaantood ayaa maxkamad hore ugu xulintey dil toogasho. Ehelada raggaan lagu fuliyay xukunka saxda ah ayaa isku dayay inay si kale u furtaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.