X

Duqa Muqdisho oo albaabada u laabay goobo faruuryaha lagu weyneeyo

Duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay inuu albaabada iskugu dhifan doono goobaha lagu weyneeyo bishimaha ama faruuryaha kadib markii baryahan lagu arkay magaaladaMuqdisho kuna faaftey baraha bulshada.


”Waan ogolnahay is qurxinta haweenka laakiin wixii ka hor imaanaya diinta, dhaqanka iyo hiddaha dalka waan hor istaageynaa waana xiri doonaa goobaha waxaas lagu sameeyo ayuu yiri Cumar Filish.


”Mushkiladu waxay ka jirtaa in goobaha ganacsiga marka la siinayo ruqsada ayna faahfaahin waxa ay ku qabsanayaan, haddana aan xirney qaar hawshaas waday,aana xiri doono wixii dambe ayuu raaciyay.

Waxa maalmahan qabsaday baraha bulshada gabdho faruuryaha waynaystey inkastoo ayna badnayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.