X

Garoonka diyaaradaha ee caasimada Afqaanistaan oo haawanaya

Waxa haawanaya garoonka diyaaradaha ee caasimsada Afqaanistaan ee Kaabuul hal maalin kadib markii askarigii u dambeeyay ajaanibtu ka duulay garoonkaas. Marayankankii xukumayay madaarka ayaa jaray xarkihii ugu dambeeyay ee isgaarsiinta.


”Garoonkani ma shaqayn karo mana shaqaynayo ilaa inta dib loo soo celinayo qalabkii hawada kooxda hadda maamushana wax aqoona oo ay u leedahay sida loo socodsiiyo garoonka ma jirto ayuu yiri hogaamiyaha xisbi Islaami Gulbadiin Xikmatyar.

”Waxaan degdeg ugu baahan nahay Turkiga inuu dib u hawlgeliyo garoonka si safiirada aduunka iyo hay’adaha caalamiga ah iyo diyaaradihiiba dib ugu bilaabmaan ayuu raaciyay.


Garoonka ayaa waxa hilfaha u qaaday dadkii reer Afqaanistaan ee ka cararay argagixisada Daalibaan halka Maraykankuna uu sii rujiyay inta hadhay, waxase uu uga tagay dhiigmiiratada hub iyo gawaadhida gaashaan oo xad dhaafa.

Turkiga ayaa sheegay inay ka fekerayaan inay dib u hawlgeliyaan garoonka haddii codsigu yimaado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.