Duqa Muqdisho ayaa kulan la qaatey dhigiisa Ankara ee Turkiga. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa weheliyay ku xigeenkiisa arimaha buulshada Marwo Basma Caamir Ahmed iyo safiirka Turkiga.
Yariisow ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.
Turkiga ayaa hormood ka ah horumarinta caasimada Somaliya inkastoo lagu dhaliilay inuu hagradey caasimadaha 18 gobol oo cidla jooga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS