X

Safiirka Imaaraadka oo faahfaahiyay halka lagu wadey lacagtii la qabtey

Safiirka Imaaraadka ayaa faahfaahiyay halka lagu wadey lacagtii la qabtey. Shalay ayay ahayd markii la qabtey lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar oo lagu wadey boorsooyin.



Warar kala duwan ayaa ka soo baxay halka rasmiga ee lacagtaan lagu wadey. Hadaba safiirka oo hore looga soo xigtey inuu yiri waxa lacagtan ku socotey ciidanka Somaliya ayaa hadda ka hadley.

Safiirka ayaa sheegay in lacagtaani ayna ku socon safaarada laakiin ay ku socotey wasaarada gaashaandhiga ee dawlada Somaliya. Dadka badankiisa ayaa u fahmey in ay ahayd lacag lagu khalkhalinayo amniga dalka.



Lacagtaan ayaa ku jirta bangiga dhexe ee Somaliya ilaa la cadeeyana aan la soo saareyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.