X

Duqa Muqdisho oo shacabka ku amaanay fal xalay lagu qabtey argagixiso

Duqa magaalada Muqdisho ayaa amaanay dadka shacabka ee kaalin weyn ka gaystey xalay nin argagixiso ah oo ay booliiska u tilmaameen halka uu galay kadib markii uu bamboo gacmeed ku tuurey guri.


Dhiigmiiradka ka tirsan argagixisada ayaa gacanta lagu soo dhigey markii looga dabagalay gurigii uu ku dhumo islahaa. Argagixisada iyo kuwa dawlad-diidka ah ayaa iska kaashada qalqalgelinta dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wardhiigley oo xalay fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”.


Hawlgal booliisku sameeyeen dhacdadaa guusha ah kadib ayaa sirtii la helay lagu xaabuiyay dhalinyar hawshan kula jira iyo qaar ka mida kuwii soo direy.

Sawirka hoose waa hawlgalkii maanta

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.