Duqii magaalada Muqdisho ayaa la eryay waxana la magacaabay masuulkii bedeli lahaa. Duqa magaalada Taabit ayaa ku kacay falal ka dhana dastuurka asagoo shalay cod ka codsaday gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo qudhoodu magacaaban.
Gudoomiyihii Muqdisho ayaa sidoo kale farogeliyay arin dastuura sida maqaamka Muqdisho oo ah arin u taala golaha shacabka. Wayna cadayd inuu daaqada ka baxayo markii uu ku dhaqaaqay falal aan shaqadiisa ahayn.
Wareegto ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay wasiirka warfaafinta Yariisow inuu noqdo duqa magaalada Muqdisho.
Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:
Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisulWasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho
• Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
• Xuseen Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;
• Marwo Basma Cumar Axmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
• Aadan Sheekh Cali Fiidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud
• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Cabdirisaaq Xuseen
Xalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan nabadsugida ay la wareegeen amniga xarunta gobolka Banaadir.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay