Waxa maanta magaalada Wuuhaan oo ahayd xaruntii cudurka Koroona ee dalkaasi Shiinaha ka degtay duulimaadkii ugu horeeyay muddo 9 bilooda. Waxa magaalada la awdey bishii ugu horeysay sanadkaan.
Duulimaadkan ayaa ka yimi dalkaasi Koofurta Kuuriya waxana saarnaa 60 qof oo wada sitey inay saafi ka yihiin cudurka 3 cisho kahor inteyna soo fuulin.
Waxa isla markiiba loo qaaday huteel lagu ogaado xaaladooda caafimaad muddo laba usbuuca. Wuuhaan ayaa xayiraada si tartiib tartiiba looga qaaday laba bilood kadib.
Cudurka Koroona ayaa hadda wadamada badankoodu sheegayaan inuu sii kordhaya inkastoo Shiinuhu aanu sheegin korodh dhinacooda, waxana lagu amaanay dadaalada ay muujiyeen kahor taga.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS