X

Duulimaadyada caalamiga ah oo la furey iyo amaro la soo rogey

Waxa maanta dalka guud ahaan dib loo bilaabay dulimaadyada caalamiga ah oo xirnaa tan iyo bishii sadexaad ee sanadka gaalada 2020 kadib markii Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Kooro.


”Waxaan aad u digtoonahay halisaha ka imaan kara dib u bilaabida duulimaadyada caalamiga ah ayuu yiri sarkaal u hadlay wasaarada duulista ee dawlada dhexe.

“Waxaan dhammaan faraynaa rakaabka baxaya ama kasoo degaya Garoonka Muqdisho inay qasabtahay inay xirtaan maryaha afka lagu xirto iyo caaga gacmaha la gashado, iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Kooro ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.


Waxa kale oo la farayaa qofkasta oo dhoofaya inuu haysto shahaadada caafimaadka ee cudurka Kooro. Qofka soo deganaya waa sidoo kale haddii kale wuxuu gakayaay takoor 14 cisho ah

Waxay wasaarada sheegtay goobaha laga helayo warqada caafimaadka oo ayna ku jirin gobolada Sanaag, Awdal iyo Sool ayna ugu dhow yihiin Hargeysa iyo Burco.

Si kastabaha ahaatee tirada cudurka Kooro ee dalka ayaa aad hoos ugu dhacday waxana kordhey tirada dadka ka bogsooday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.