25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Duulimaadyadii garoonka Muqdisho oo hakad galay iyo sababta

Waxaa maanta hakad galay dhowr duulimaadyo oo imaan lahaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana saamayn xoogan ku yeeshay roobab iyo cimilada oo laga cabsaday  awgeed.

Diyaaradaha duulimaadkoodiii Muqdisho maanta baajiyay waxaa ka mid ah diyaarada Turkish Airways iyo diyaarado dhowr ah oo qaad ka keeni jiray magaalada Nayirobi ee dalka Kiiniya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka da’ay roob saacado badan socday, kaas oo aan la sheegin khasaare uu gaystay balse marka laga soo tago hawlaha duulimaadyada ee hakadka galay maanta, waxaa kaloo uu saameeyay isu socodkii iyo Ganacsigii Caasimada Muqdisho.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS