Ehelada labada fanaan ee Xamdi Qaali iyo Barwaaqo Qalanjo oo Muuse Biixi ku qabsaday inay Xamar tageen oo ka soo heeseen ayaa dhawaan maxkamadi fasaxdey. Waxase ku dhegan Muuse Biixi oo qaba inaanu welli ciqaabin.
Ehelada oo la yaban waxa Muuse Biixi ugu dhegan yahay markii maxkamadiisii fasaxdey ayaa la hadlay saxaafada oo ka qayliyay dulmiga lagu haysto fanaaniintaas weliba hablaha ah.
Xamar waa magaalo Somaliyeed waana caasimadii dalka waana ta maalin kasta aad la macaamisho mana garan karto waxa aad ka ciqaabayso dhalinta yaryar ee aan wax dembi ah gelin ayay yiraaheen ehelada oo ka caraysan dulmiga Hargeysa ka jira.
Waxa xadiga labadan fanaaniun cambaareeyay waxgaradka Somaliyeed iyo weliba kooxaha iyagu u dooda xuquuqda aadanaha oo ku tilmaamey budhcadnimo falka Muuse Biixi.
Labadan fanaaniin ayaa Muuse Biixi u xiran in muddo ah.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS