November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Erdogan oo sheegay in ay Maraykanka isku raaceen in argagixisada laga xoreeyo Raqqa

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in ay isku raaceen Maraykanka in si wadajira argagixisada Daacish looga xoreeyo magaalada weyn ee Raqqa ee bariga Siiriya oo Daacish u isticmaasho caasimad.

Dadka ku hoos nool argagixisada ayaa gaajo iyo silic iyo gumeysi ku nool iyadoo xataa loo sheego sida surwaalada loo xirto, sida gadhka loo xiiro. Daacish ayaa fulisa dhaqano iyada u gaara oo diinta aan shaqo ku lahayn.

Turkiga oo wata urur diimeedka akhwan Muslimiin oo burbur xoogleh ka gaystey Siiriya ahna kuwa kaliya ee ku soo dhawaaday caasimada ayaa magaalooyinka ku teedsan xadka ku wareejiyay ururkaas ay isku mabaadiida yihiin Erdogan.

Guusha fudud ee Turkigu ka soo hoyaty xadkiisa iyo sida argagixisadu u carartey ayaa keentay in Maraykanka oo taageersan geesiyaasha Kurdiyiinta ay ogolaadan weerar wadajira.

Erdogan ayaa sheegay in ay tafaasiisha sida ay u wada shaqayn lahaayeen weli ka wada hadlayaan Maraykanka. Dawlada Maraykanka ayaan wali wax faahfaahina ka soo saarin warka Erdogan oo Obama kula kulmey shirkas Shiinaha.

obama-erdogan-china[1]

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS