X

Erdogan oo u hanjabay hogaamiyaha adag ee Liibiya jeneraal Khaliifa Xaftar iyo sababta

Turkiga ayaa hanjabay hogaamiyaha adag ee dalkaasi Liibiya jeneraal Khalifa Xaftar oo xukunka ka tuuraya ururka akhwaan Muslimiin ee jooga caasimada dalkaasi ee iyagu taageeraan.

Hanjabaada ayaa timi markii Jeneraal Khaliifa uu sheegay inay qabteen Turki ka dhinac dagaalamaysa maleeshiyada joogta caasimada dalkaasi.


Labada dhinac ee ku dagaalamaaya Liibiya ayaa waxa kala taageersan Turkiga iyo Qadar oo dhinaca iyo Sucuudiga, Masar iyo Imaaraadka oo dhinaca kale ah laakiin hadda diidan wax urur diimeed ahba.

Turkiga ayaa geeyay Liibiya Markab buuxa oo ay ku jiraan gantaalo, diyaaradaha aan la wadin iyo weliba hubkale oo isagu sameeyo. Dadka indha indheeya siyaasada Carabta iyo Turkiga ayaa qaba in Erdogaan faraha kala baxo colaada uu ka dhex wado Muslimiinta dhexdeeda.


”Horaan u aragney halka urur diimeedkiisu geeyay Suuriya markii ay ka bixi waayeen magaalooyinka dhexdooda sida Xalab halkaas oo lagu burburiyay ayuu yiri Cilmi Yuusuf.

Khamiistii ayay ahayd markii xoogaga akhwaanka ee Turkigu taageero ay dib u qabsadeen tuulada Qaryaan oo xoogaga Khaliifa Xaftar u ahayd goob ay saadka ka helaan.


”Waxa bartilmaameed noo noqon doona Khaliifa Xaftar laftiisa haddii uu sii deyn waayo Turkida uu qabsaday ayuu yiri wasiirka difaaca dalka Turkiga oo xoog is bidaya.

Jeneraalka ayaa isaguna sheegay in danaha Turkiga ee Liibiya ay weerari donaan wuxuuna joojiyay duulimaadyadii tagi jirey Turkiga.

Aad ayaa u canbaareynaa Erdogaan oo markii uu gubey Suuriya hadana sii hamba hambeyna wixii ka haray Liibiya ayuu yiri . Ururka akhwaanka ayaa ahaa kuwii ugu hor galay caasimada xilligii gaaladu xukunka ka tuureysay Koloneel Qadaafi.


Liibiya ayaa u baahan nin sida Khaliifa Xaftar oo kale ah oo hadda ka taliye Liibiya badankeeda aan ka ahayn magaalooyinka waaweyn ee galbeedka dalkaasi sida caasimada iyo Misrata.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.