X

Nin loo qabtey dil foolxun oo haweenay loogu gaystey Muqdisho

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa sheefay in gacanta lagu dhigey nin looga shakisan yahay dil foolxumaa oo lagula kacay gabadh la yiraa Suleekha Yuusuf oo maalmo kahor meydkeeda laga helay huteel la yiraa Caamir oo ku yaal Muqdisho.


Dilkan gabadhaan ayaa si weyn looga carooday waxana booliisku magaaladu ku daba jireen gacan ku dhiiglaha diley gabadh biri ma geyda ah.

Ninkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Bishaar C/risaaq Maxamed ayaa goobta ka baxsaday markuu dilka gaystey. Booliisku ma sheegin sida ay u qabteen iyo cida siisay warbixinta halka uu joogo.


Taliye xigeenka booliiska Sakiya Xuseen ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglaha maxkamadna la soo taagi doono.

Dadkii qaar ayaa bahalo Isla waxana dhaca dilal aan hore dalka uga dhici jirin ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.