X

Erdogan oo Yuhuuda la heshiiyay kadib markii dalkiisu galay go’doon iyo Yuhuuda oo faraxsan

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu looks on during a meeting with his Italian counterpart Matteo Renzi at Chigi Palace in Rome, Italy June 27, 2016. REUTERS/Tony Gentile

Erdogan ayaa Yuhuuda la heshiiyay kadib markii dalkiisu galay go’doon. Raiisal wasaaraha Yuhuuda Netanyahu oo qaba dhiiga kumanaan reer Falastiina ayaa sheegay in ay heshiiyeen Erdogan oo tanina dalkiisa u tahay arin dhaqaale oo weyn.

Yuhuuda ayaa waxbadan oo dhinaca dhaqaalaha ah la lahayd Turkiga intii ayna xiriirka u jarin. Xiriirka Turkiga iyo Yuhuuda ayaa xumaaday kadib markii Yuhuudu laysay Turki mucaawino u waday ururka Xamaas ee ka taliya Qaza kaas oo xiriir urur diimeed ka dhexeeyo Erdogan oo akhwaana iyo Xamaas oo akhwaana.

Erdogaan ayaa dhinaciisa sheegay in Yuhuudu bixinayso magta dadkii ku dhintey markabkii Yuhuudu weerartay sanadii 2011 iyadoo lacagta ku baxaysa lagu sheegay in ay tahay 15 mliyan.

Waxana hadda lagu jiraa sidii qalinka loogu duugi lahaa sida lacagtaas u baxayso, dhinaca kale Yuhuuda ayaa aqbashay in ay ogolaato in shirkadaha Turkigu geeyaan Qaza qalabka dhismaha.

Yuhuuda ayaa aad u faraxsan iyagoo ka faaiideysanaya in ay gaaskeeda u iibiso Turkiga. Turkiga ayaa galay go’doon markii ay la colowdey Ruushka.

Turkiga ayaa ku fashilmey in uu sameeyo dawlado akhwaana oo isku xira Turkiga ilaa Masar waana sababta ugu weyn ee uu dagaalka ugu qaadey Siiriya.

Turkiga ayaa ka baqaya in Ruushku ka jaro gaaska uu ka iibiyo ee raqiiska waana sababta keentay in Turkigu xiriiro deg dega la yeesho wadamada jaarkiisa ah sida Azerbajaan.

Xiriirka uu la lahaa Ruushka ayaa ka weyn kan uu la leeyahay Yuhuuda ugana waxtar roonaa maadaama Ruushku yahay dal awoodo badanleh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.