X

Dayib Erduqaan oo cadaystey sababta Siiriya uga degi la’dahay

Madaxweynaha Turkiga oo la hadlaayay saxaafada ayaa qirtey sababta ay Siiriya uga degi la’dahay xilli uu rabo inuu ku gorgortamo dhulka Siiriya. Madaxda reer Yurub ayaa u sheegay inuu Siiriya faraha kala baxo maadaama la jabiyay argagixisada uu taageero ee akhwaanka.


“Waxaan madaxweyne Buutin u sheegay inaan qaybsano saliida Siiriya, waxaan ku iri adiguna lacagta bixi anaguna aan dhismaha qaadano laakiin wuxuu igu yiri Buutin waan darsayaa qorshaha inuu shaqayn karo ayuu yiri Dayib Erduqaan.


Turkiga iyo Ruushka ayaa hadda wada jooga Bariga Siiriya halkaas oo Ruushku ka badbaadiyay Turkiga dagaal daba dheeraada oo ay la galaan Kurdiyiinta Siiriya.

”Qorshaha lagu qaybsanayo saliida Siiriya waxaan xataa u bandhigi karaa saaxiibkey Taram ayuu raaciyay Dayib Erduqaan waayo hadda waxa saliida gacanta ku haya Kurdiyiinta oo uu ku sheegay argagixiso.


Ruushka ayaa hore u soo bandhigey sida xagjir Taram ugu takrifalayo saliida Siiriya oo dalku dib u dejin ugu samayn lahaa dadkooda argagixisadu burburisay dalkooda ee u qaxay aduunka oo dhan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.