X

Dawlada oo ummada ka qabatey Somali cudurka keenayay dalka

Wasaarada caafimaadka ee dawlada Somaliya ayaa Ku guulaysatey inay ummada Ka qabato Soomaali cudurka hargabka Shiinaha woo gelinaayay dalka. Ninkaan ayaa lagu joojiyay madaarka Muqdisho kadibna lagu xereeyay meel takoora. “Wuxuu ku xad-gudbey xataa xeerka diinta ee ah in goobta masiibada aan laga safrin.


“Wasaarada oo gudanaysa waajibaadka qaran ayaa ninkaan Somaliga ee soo raacay diyaarada Itoobiyaanka ku qabatey takoorid ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartey wasaarada caafimaadka.


“Ninkan waa in la ciqaabo oo la marsiiyo waajibaadkiisa ayuu qabaa Cali Calasow oo Muqdisho ku nool waayo dantiisa ayuu ka doorbidey danta ummad dhan. Wasaarada ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonto diyaarada keentay qof ka yimi Shiinaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.