X

Erduqaan oo ku faanay inuu geeyay hubkii ugu badnaa Liibiya

Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa Ku faanay inuu geeyay Liibiya hubkii ugu badnaa haddana ay eryanayaan xooga jeneraal Khaliifa Xaftar oo maamulka dalka badankiisa. Afhayeen u hadlay Jeneraal Khaliifa ayaa sheegay in lacagta Qadar ayna waxba u tarayn Turkiga oo ay jabin doonaan.


Wuxuu dhinaca kale sheegay in ay ka baxeen xaafado badan oo ku yaala caasimada iyotiyo garoonka burbursan oo hadda aan wax faaiido lahayn. Tani ayaa ka dhigeysa in kooxda akhwaan muslimiintu markii ugu horeysay maamulaan caasimada.


Erduqaan oo la hadlaayay ninka uu ku hayo caasimadda dalkaasi ee Siraaji ayaa Ku faanay in hubkii ay siiyeen uu soo hooyay guulo farabadan oo hadda Jeneraal Khaliifa Ka fogaaday caasimada.

“Danta aan ka leenahay Liibiya waa in heshiiskii hadda uu hirgalaa si dalkayagu uga baadhan karo saliid badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub ayuu yiri Erduqaan.


Waxase arintaas uu ku raadiyay dhiig badan oo Muslimiin reer Liibiya ah isagoo huwan urur diimeedka akhwaan muslimiin ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxa uga fiicnaa inuu nabad ka dhex dhaliyo dhex-dhaxaadiyana u noqdo wuxuuse doortey inuu dhinac dadkii reer Liibiya Ku diideen doorashadii uu hubeeyo waana jaahilnimo tii ugu xumeyd ayuu raaciyay.


Si kastaba ha ahaatee guusha kooban ee hadda Erduqaan ka gaaray aga Tiriiboli waxa la bedeli karaa saacado gudahood. Runtii markaad
fiirisana waxa qaladka leh Jeneraal Khaliifa oo ahayd inuu is raacsado caasimada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.