X

Tirada cudurka Kooro ee dalka oo sii yaraanaysa

Warbixintii ugu dambeysay ee ay bixisay dawlada dhexe ayaa lagu sheegay in cudurka Kooro uu sidii hore ka soo yaraanayo dalka oo dhan. Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in dadka uu hadda soo ritey xanuunka ay gaarayaan 2204 qof.


Maamulada ugu badan ee la baaray xanuunka ayaa waxa ugu badan Somalilaan iyo Hirshabeele halka gobolka Banaadir uu markasta ahaa Kan ugu badan ee ay joogaan dadka uu soo ritey.


Waxa dhinaca kale iyadna korodhey tirada dadka ka bogsatay cudurka oo hadda gaaraysa 418. Waxa wax lagu farxo ah in ayna kordhin tirada dhimashada oo gaaraysa 79.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.