X

Erduqaan oo ku faanay inuu soo ridey diyaarado Siiriya leedahay

Dayib Erduqaan oo dagaal ka wada Siiriya ayaa Ku faanay inuu soo ridey laba diyaaradood oo Siiriya leedahay oo hawadooda dul socdey baacsina ku hayay argagixisada uu taageero. Siiriya ayaa sheegtay inay xrtey hawadeeda Isla markaana soo ridey ugu yaraan lix diyaaradaha aan is wadin oo Dayib Erduqaan ku faani jirey.


Erduqaan ayaa ciidamo farabadan ku soo daldalay gobolka Siiriya ee Idlib halkaas oo la isugu geeyay argagixisadii laga xoreeyay gobolada Siiriya siiba gobolka Xalab. Siiriya ayaa rabta inay argagixisada dhiigmiiratada ee Wahaabiga iyo akhwaanka ka sifeyso dalkeeda, soona celiso sharaftii dalku lahaa.

“Waxaan dilney boqolaal ciidanka Siiriya, waxana soo ridney laba diyaaradood ayuu ku faanay Dayib Erduqaan oo Ku faraxsan dhiiga muslimiinta ee uu daadinayo. Siiriya ayaa sheegtay in bayloodadu ka boodeen diyaaradaha.


“Erduqaan anaga maanta noo sheegi maayo Yuhuud baan necbahay iyaga iyo facoodana taageero ka raadsan maayo ayuu yiri Xuseen Warsame oo ka faalooda arimaha caalamka.

“Wuxuu noqdey hogaamiye fashilmey oo awal la is lahaa wuxuu noqonayaa kan ugu roon haddase noqdey kan ugu liita  waayo wuxuu dagaal ka wadaa laba wadan oo Muslimiina oo ah Liibiya iyo Siiriya ayuu raaciyay Xuseen.


Si kastaba ha ahaatee waxa khasaare qaba Dayib Erduqaan oo dalkiisu degan yahay halka Siiriya waxba u waayayn dagaal cusub oo awalba ay kula jirtey akhwaan muslimiinta uu taageero iyo wahaabiyada Sucuudiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.