X

Halkuu ku dambeyn doonaa mustaqbalka Ahlu Sunna

Ahlu Sunna ayaa in muddo ah ku soo jirtey siyaasada dalka kadib markii diintii dalka ay weerar ku soo qaadeen wahaabiyada Sucuudiga oo maalgelisay wadaadada Somalida iyo xasuuq ay ku bilaabeen shacabka Muslimka ah. Culimada Ahlu Sunna ayaa u kacay inay difaacaan diinta dadka iyo dalka.


Waxay dagaalo qaraar la gashay argagixisada oo soo hubaysay caruur yaryar oo aan qaan gaarin, waxana dagaaladaas ku dhintey ilaa 200 labada dhinacba.

Ahlu Sunna marnaba lagama adkaan inkastoo xilligii argagixisada wahaabiga ah qabsatey gobolada Koofurta intooda badan ay dareemeen culays gaara haddana markasta waxay heleyeen gacan gaara.


Taasi waxay sababtey in argagixisada lagu hayo gobolada Hiiraan Koofurta ka xiga mudooyin badan ilaa intii ay ka xoogeysanayeen ciidanka Somalida iyo kuwa Amisom. Taageerads ugu badana waxa bixinaayay Itoobiya, waana ta argagixisadu u soo dhaafi weyday Galguduud.

Nidaamka gaalada ee federaalka ee gaaladu wadato ayaa keenay in la sameeyo jufooyin dawladeysan ama sheeganaya dawlad, waana ta keentay in Ahlu Sunna banayso booskii Galmudugtii ay u soo dhimatey.


“Runtii waxay is taahilaan in kaalintooda la xuso laguna qadariyo ayuu qabaa Cali Calasow. Deegaanada Ahlu Sunna waa deegaanada keliya ee la mamnuucay in dumarku u labistaan sida wahaabiyada afkana qariyaan, Isla markaana diidaan inay raacaan maalmaha ciida iyo soonka ayuu raaciyay.


Si kastaba ha ahaatee kaalintoodii welli way taagan tahay ilaa dalka laga sifeeyo lagana xoreeyo argagixisada wahaabiga ah iyo dhaqamada ay dalka soo  ku soo geliyeen dalkuna ku noqdo sidiisii hore.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.