X

Erduqaan oo ogolaaday xabad joojin ka dhacda Liibiya kuna faanay gaas uu helay

Madaxweynaha Turkiga ayaa dadkiisa u sheegay in dalka laga helay gaaskii ugu badnaa ee abid la soo asaaro. Gaaskan oo la bilaabay qodistiisa bishii lixaad hore ayaa Turkigu sheegay in baaxadiisu weyn tahay.


Erduqaan ayaa ogolaaday xabad joojin ka dhacda Liibiya markii Masar ku hanjabtey inay geli doonto Liibiya haddii xoogaga Erduqan wato ay ku soo durkaan magaalada Sirte.

Xabad joojinta Erduqaan ogolaadey ayaa ku soo beegmay xilli uu sheegay inuu helay gaaskii ugu badnaa oo laga helay xadka badda ee Turkigu la wadaago wadamada Bulgaaiya iyo Roomaaniya.



Afhayeen u hadley korneyl Khaliifa Xaftar ayaa sheegay in magaalada Sirte ay noqon doonto xarunta maamulka cusub oo ay wada ilaalin doonaan dawlada dhalata doorasho kadib.

Shacabka Liibiya ayaa hore u diidey ururka akhwaan Muslimiin ee Erduqaan taageero doorashadii u dambeysay.


Liibiya ayaa burburtey markii gaalada waaweyn ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska iyo Talyaaniga ay weerareen hogaamiyihii dalkaasi kadib ay dhaawaceen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.