X

Goormaa laan laan daaqada laga saari doonaa

Sidii dalku u yeeshay dawlad la aqoonsan yahay oo Somaliyeed, waxa shacabka Somaliyeed sugaayen in talada dalku hal mel ka soo baxdo ayadoo, degmooyinkuna leeyihiin is maamulka hoose. Laakiin taasi ma dhicin, waxa fadhiid Xasan Sheekh dhisay maamul jufeedyo markii Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato uu diidey inuu hoos yimaado dawlada dhexe.


Intaas wixii ka dambeeyay waxa noqotey jantey wadhan ilaa burburka maamul jufeed samayntu uu soo gaaray caasimada oo jufo is bidaysa inay ku badan yihiin, dalbadeen in maamul loo sameeyo. Waxa Farmaajo aakhirkii ugu daray in guriga la rabo in la tirtiro ay boosas ku yeeshaan.

Halkaa waxa ka soo kordhey khasaare dhaqaale ee kama soo kordin dal loo faaiideeyay, waxana eeda iska leh madaxda hadda joogta oo dantooda u arkey sidii kuwii ka horeeyay.

Dadka Muqdisho oo caasimada ah ku nool waxay leeyihiin maamulo dhisan oo intooda badan dadka maamulaa ay lacagta fadhiga ku cunaan.


Haddaba su’aashu waxay tahay goormaa laan laan la saari doonaa

Jawaabta su’aashaas si wey u fududahay sina way u adagtahay. Waa ta horee ma dhalan siyaasigii dalkani u baahnaa si loo habeeyo dawladnimada dalka oo hadda gacanta ugu jirta dad aan u qalmin inay maamulaan, kuna fashilney inay horseedaan dawlad hooyada cashuurta bixisaa xaqeeda helayso.

Waxaad odhan kartaa waxa jira hogaamiye abuurey kalsooni dawladnimo laakiin waxaad ogaataa in aanu dhimin lacagta ay bixiso hooyada yaanyada gadaa ama hesho xaqeedii oo ah inay hesho meel ay ku ganacsato oo nadiifa.


Maamul jufeedyadu boqolkiiba 99 ma jirto xisaab dadka la sheeganayaa ay ka helaan horjoogaha jira aan ka ahayn qabyaalad iyo eex mooyee. Marka nidaam sidaasa imisuu sii jiri karaa.

Maamul jufeedyadu waxay kaloo u noqdeen dawladaha diidan jiritaanka dawlad adag oo dhalata meel ay ka soo galaan dalka oo ay ka fushadaan danahooda sida sawirka hoose oo ah horjoogaha Somalilaan oo la kulmey wakiil uu soo dirsaday Cabi Axmed oo welli aan joojin talaabooyinkii Tigreega, inkastoo uu dhaamo kuwii hore.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.