X

Ergayga QM oo ku jira socdaalka gobolada dalka oo la kulmey Muuse Biixi

Ergayga QM u jooga Somaliya oo ku jira socdaalka gobolada dalka ayaa la kulmey Muuse Biixi. Ninka sida qarsoon u maamula Somaliya ayaa hore u booqdey gobolada la baxay Puntland, Koofur Galbeed iyo Kismaayo. Weli ma booqan Jowhar oo u dhow.


Ergayga ayaa u muuqda inuu booqanayo horjoogeyaasha mucaaradka ah ee aan rabin in dalku lugihiisa ku istaago kuna nool xoolaha masaakiinta.

Is barashada uu u tagey Hargeysa kadib waxa kale oo uu fariin ka sidaa Cabdiwelli Gaas kuna sabsan xaalada Tukaraq iyo guud ahaan gobolada Sool iyo Sanaag laakiin lama garanayo inuu kala hadley jeneraal Caare.


“Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka maamulka Somaliland iyo dawlada dhexe iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen auu yiri Sacad Cali Shire.

Arinta ictiraafka ayaa xilli hore ka boodey daaqada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.