X

Xirsi Tooriile wuxuu qorey kaliya intii uu u ciilqabay ee ma qorin goortii uu waashay

Xirsi Tooriile wuxuu qorey kaliya intii uu u ciilqabay ee ma qorin gawaadhidii uu sheegay inuu qoriga saaray iyo markuu lahaa 40 jir afartan milyan haystaan ahi. Waxa jawaabtaas bixiyay xildibaan Kayd Cabdullaahi Xandule.


” Sida jirta Dumarkeena kama Suurto-gasho amaba waa ma dhacdo inay intay nin u tagaan ay yidhaahdaan na guurso, iskaba dhaaf inay waydiistaane haddii aad ula tagto oo ay raali kaa tahay baanay markiiba waayahay ku odhanayn oo waxaa xidha oo dabra diinteena Suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee aynu leenahay.

Haddaba sida xirsi buugiisa ku qoray wuxuu sheegay inay sadex dumar ahi guur ka codsadeen oo uu diiday,  Anigoo tixraacaya qoraalkiisa waxaa kuu muuqanaysa keliya wuxuu ku qoray intii uu u  ciil qabay.


Laakiin kumu qorin qaab nololeedkiisii , inagaaba og markii la xidhay muu qorin, gawaadhidii uu qoriga saaray muu qorin, markii uu lahaa 40 jir afartan milyan haystaan ahay muu qorin, goortii uu waashay muu qorin.
Wuxuu keliya uu wax ka qoray Siilaanyo iyo qoyskiisa iyo Muuse Biixi iyana wuu u ciil qabay, sadexda dumara ee uu sheegayaana iyana waanuu magacaabine qaar uu u ciil qabay ayuun bay ahayeen.

Guud ahaan buugaasi wuxuu ka madhan yahay dhaqanka siyaasada, ka masuuliyada , ka diinta iyo dhaqanka aynu leenahayba, marka sharci umad loo qoraayo waxaa laga duulaa dhaqanka, diinta, dhaqaalaha iyo qaabka ay umadaasi u nooshahay.


Sidaa si la mid ah ayaa qofkasta wax qorayaa oo inaga mid ahi intaas sharcigu ilaaliyey uu ilaaliyaa iskama hadlo uun , gebagebadii buugaas iyo ninka qorayba waa dambiile ciidankii qaban lahaa uun baan imanin weli.

Xildghibaan Kayd Cabdullaahi Xandule

ARAABINEWS

Fiiro gaara: marnaba masuul kama nihin fikradaha qoraalada ka baxa ARAABINEWS waxayse gaar u tahay qofka ku saxiixan.


admin:

This website uses cookies.