Dawlada go’doonka ku jirta ee Eritariya ayaa war ka soo saartey dagaal ku dhexmaray ciidankeeda iyo kuwa Itoobiya deegaan lagu muransan yahay oo u dhexeeya labada dal.
Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay in ayna waxba ka ogeyn dagaalka Eritariya sheegayso. Muranka xaga dhulka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritariya oo si fudud u kala baxay kadib markii ay dhacday dawladii Mingeste ayaa ku muransan magaalo xad ku taala oo la yiraa Badme.
Inkastoo magaaladaas iyo aag hoos yimaada loo xukmiyay Eritariya hadana waxay Itoobiya dalbatay wadahadal kaas oo Eritariya diidey, xilligaas wixii ka dambeeyay labada dal colna maaha nabadna maaha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay