Argagixisada Shabaab ee xalaashatey dhiiga Muslimiinta ayaa diley oday nabadoona gobolkaasi Gedo. Xasuuqan ayaa ka dhacay deegaano u dhow degmada Luuq.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa xaqiijiyay dilkan sheegayna in cadowga argagixisada ay dileen uguna dareen in ay gaadhigiisii qaataan.
Marxuunka argagixisadu dishey ayaa lagu magacaabaa Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor)
Waxa ay sheegeen argagixisadu in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba isla markaana sidaa dhiigiisu xalaal ku noqdey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay