X

Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaysa argagixisada oo xasuuq gaysatey

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya weerar naftii halige ka tirsan nijaasta argagixisada shabaab uu ku qaaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taal Muqdisho. Waxa uu goobta ku xasuuqey ilaa 7 qof halka dhaawacna uu jiro.


Xilliga nafti haligahan ka tirsan nijaasta shabaab uu isku qarxiyay maqaayada ayaa ahaa xilli ay buuxeen dhalinyaro shaahayna iyo jalaato isla dhacaya. Waxaan ognahay in dhiigmiiratadu jeclayn nolosha iyo meelaha lagu shaaheeyo ee sida quruxda badan u dhisan.

”Waa sababaha ay u weeraraan meelaha jilicsan ee aad cidna ilaalin ee ay ku muujin karaan inay welli nool yihiin oo welli wadaan xasuuqa ayuu yiri Cali Calasow inkastoo markii la baarayay naftii haligahan la sheegay inuu orod ku dhafay kadibna is qarxiyay.


Maqaayada la qarxiyay ayaa dhalintu ka iibsadaan jalaatada iyo macmacaanada kale caawa oo kale oo maanta ahayd maalin nasasho. Dhaawaca ayaa hadda la xaqiijay inuu gaarayo ilaa 10 qof.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.