X

Yuhuuda iyo Taram oo isku diyaarinaya inay Iiraan weeraraan saacadaha ugu dambeeya: WARBIXINO

Waxa saacadihii u dambeeyay soo baxay warar sheegaya in xagjir Taram u rabo inuu xafiiska ku sagootiyo weerar uu ku qaado Iiraan. Weerarkaas oo la sheegay in lagu maslaxayo Yuhuuda oo uu u qabtey waxkasta oo ay rabeen intii uu xukunka joogey sida ay sheegayaan warbixino ay qoreen Yuhuuda iyo Maraykanka.


Warbixinadan ayaa lagu sheegay inay xasaasi yihiin waxana wasaarada difaaca ee Yuhuuda ay fartey askartooda in is diyaariyaan haddii xagjir Taram weeraro Iiraan. Telefishan Yuhuuda laga leeyahay oo lagu magacaabo kanaalka sadexaad ayaa isna sheegay in labada wadan diyaarinayaan qorshe qarsoon oo laga fuliyo Iiraan.

Ma sheegin nooca qorshahaas uu yahay xaga jariirada kale ee New York Times iyadna qortey in xagjir Taram qorsheynaayay inuu weeraro warshada sifeynta macdanta yuraaniyamta ee ku jirta buuraha hoostiisa.


Waxase xagjir Taram looga digey in weerar noocaasa uu halis gelinayo gobolka oo Maraykanka iyo Yuhuudu faraha uga gubanayaan. Isku soo duuboo warbixinadan ayaa lagu tilmaamey kuwo beerlaxowsi iyo geesinimo aan jirin uu ku muujinayo Taram looguna talogalay madaxweynaha cusub.

Iiraan ayaa ku jawaabtey inay waajibkooda marin doonto haddii hal gantaal lagu soo tuuro dalkeeda, hore ayayna u muujisay awoodeeda kadib dilkii sarkaalkii sirdoonkeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.