X

Faahfaahin dheeraada oo laga helayo gabadh Somali ah oo Masaari kufsan rabay dishey

Masuuliyiinta Masar ayaa afar cisho xirey gabadh Somali ah oo dishey sida la sheegay nin Masaari ah oo gaadhi Hindi wata oo isku dayay inuu kufsado. Masaarigan ayaa gabadhu ka soo raacday xaafada 6-da Oktoober, wuxuuna u leexiyay meel cidla ah oo aan cidina socon kadibna isku dayay inuu kufsado.


”Wuxuu la soo baxay midi weyn wuxuuna ku qasbay inay seexato kadibna wuxuu isku dayay inuu kufsado, wuxuuse midida dhigey meel u dhow, kadibna intey gacanta ku dhigtey ayay ka gelisay dhabarka iyo qoorta markaasuu kadibna dhinac u dhacay ayay u sheegtay booliiska.

Gabadhan geesiyada ah oo aan magaceeda la sheegin ayaa soo carartey kadibna masiibadan u sheegtay kaalin booliis. Ninka ayaa isna isku dayay inuu meesha ka cararo laakiin waa dhiig baxay, wuxuu ku dhintey isla gaadhi Hindidii uu watay dhexdiisa.


Masaarida ayaa kiiskan la barbar dhigtey gabadh Masaari ah oo sidan oo kale u dishey nin isla gaadhi Hindigan loo yaqaan bajaajta wata oo isku dayay inuu kufsado.


Gabadha Masaarida ee ninkaa dishey waala sii daayay, waxase laga baqayaa inay heli waydo cadaalad gabadhan Somalida ah oo la sheegay inay Masar u tagtey inay aqoon ka soo barato, haddase waxay u xiran tahay is difaac ay nafteeda difaacaysay.  Xabsiga lagu hayo ayaaba laga baqayaa in lagu kufsado.


Masar ayaa ka mida meelaha ugu xun Muslimka Carabta ee kufsigu aadka u badan yahay isla markaana haweenku ayna helin daryeelka amni ee ay ahayd inay dawladu damaanad qaado.



Waxa laga codsaday safaarada Somaliya inay kiiskan la socoto si gabadhaasi cadaalad u hesho. Warar intaan warbixintan qoreynay aan helnay aya sheegaya in la sii deynayo. Booliiska ayaa eegaya sida ay ku joogtey dalka. Waxa marhore la sheegay in gabdhaha ajaanibta ah caadi loo kufsado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.