29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faahfaahin gaari argagixisadu ku qarxisay Muqdisho iyo qasaaraha jira: SAWIRO

Wararkii u dambeeyay gaari kooxda gaaleynta ee shabaab ku qarxisay suuqa bartankiisa ayaa sheegaya inuu Jiro qasaare ka dhashay. Dhiigmiratada ayaa gaari ku dhejiyay miino, waxayna ku qarxiyeen suuqa meel u dhaxaysa Taleex iyo KM4.



Qaraxa gaarigaas ayaa haleelay dad gaari kale saarnaa iyo kuwo wadada maraayay oo la sheegay inuu ka soo gaaray dhaawacyo fudud. Dadkaas ayaa loola cararay isbitaalada.

Dhimadhadaayaa sheegaya inay tahay wiil dhalinyaro ah iyo awoowgiis lama yaqaano inuu ahaa kii miinada ku xirey iyo in kale sida dadka yaqaaney sheegeen.



Shalay ayay ahayd markii degmada Hodan sidan oo kale miino loogu xirey gaari uu watey mid ka mida shaqaalaha Jaamacad la yiraa SIMAD, halkaasna uu ku shahiidey.

Argagixisada aya adeegsata dadka ehelkaaga ayagoo shilimaad yar u tuura si ay miinooyin ufgu xiraan gurigaaga ama gaarigaaga sida dhacda goobaha ay qarxiyaan.



C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS