X

Faahfaahin gabar weriye ah oo argagixisadu dhaawacdey

Faahfaahin gabar weriye ah oo argagixisadu ku dhaawacdey Muqdisho. Gabadhan oo u shaqaysa warbaahinta dawlada Somaliya ayaa la sheegay in dhaawac culus soo gaaray.


Farxiyo Mire ayaa xilliga argagixisadu toogatey  ku sugneyd agagaarka Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho. Waxana Ilaah mahadiiya in gacanta lagu dhigey argagixiskii toogtey Farxiya.


Farxiya ayaa la sheegay in laba xabadood ku dhaceen oo la sheegay in dhaawac ka soo gaaray caloosha kaas oo halis noqon kara. Argagixisada ayaa gaaleeyay Muslimiinta waxana bartilmaameed u ah Muslimiinta oo dhan.

Farxiya oo warbaahinta u warantey ayaa u muuqata in shirqool argagixisadu u dhigtey oo balan loogu dhigey huteel dabka u dhow halkii ay filaysay in saaxiibadeed la kulanto nin rasaas ku furey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.