X

Faahfaahin gabdho qurbaha ku dhashay oo lagu gurey jeelka Hargeysa

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya gabdho midi Somali tahay midna ay la joogi jirtey reerka Somaliga oo iyagu soo korsadey ayaa ku jira gudaha jeelka Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Gabdhahan ayaa hadda la xaqiijay inay maxkamad ku taal Hargeysa ay xukuntey kadib markey dhaqankii gaalada la yimaadeen laguna hela iyagoo Khamri cabaya.

Gabdhahan khamriga cabaya oo mida Somaliyada ah ay iyadu ka soo jeedo Hargeysa ayaa magaalada u yimi inay gabdhaha xukunada sugaya caawiyaan iyagoo dabaqaya sharciga Kanada.

Qareenka ay qabsadeen labada gabdhood ayaa isagu sheegay in gabdhaha lagu eedeeyay khamri cabida aan wax khamri ah laga helin guriga ay deganaayeen. Maxkamada ayaa ku xukuntey in 40 ul lala dhaco taasina welli dhicin maadaama ay xukun-diidmo loo ogolaadey.

Maymuuna oo iyadu ah gabadha Somalida ah ee jeelka kula xiran saaxiibteeda kale ayaa sheegtay in naqasku kugu dhegayo ayna qolyar oo bilaa hawo ah kula xiran yihiin gabdho kale.

“Waa nala caayaa ayay tiri maalin kasta oo waxa nalagu yiraa “dhilooyin ayaa tihiin, hadaan halkan ka soo baxo waxaan noqon doonaa gebi ahaanba qof kale ayay raacisay Maymuuna.

Wakiilka Kanada u fadhiya Kiiniya oo matala geeska Afrika ayaa sheegay in Kanada aqoonsanayn maamulkaas isla markaana ay hadda sameeyeen xiriiro si sharciga loo baalmaro oo loo sii daayo.

Maamulka Somaliland ayaa lagu amaanay sidey jeelka ugu taxaabeen qof wata dhaqankii gaalada oo ay suuragal tahay hawsha ay u socdeen ay ka mid tahay hawlsha aan la garanayn.

Hooyada dhasgay gabadha Somaliga ah ayaa iyadu qabta in gabadheedu tahay bilaa eed khamrina cabin. Khamriga ayaa Hargeysa buuxa ayadoo uu ka soo galo dhinaca Itoobiya.

Warbuxinti Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.