Dawlada Somaliya ayaa saaka hawada dalka ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen laamaha duulista..
Dayuuradda oo ay soo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kiiniya ayaa waxaa la socday 80 rakaab Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa halkaas cudurka Kooro awgeed.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaas oo ku soo jeeday Xamar lagu soo qariyey Qaad ganacsi ahaan loo soo gelin rabay dalka taasoo waaxda duulistu ka war heshay.
Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ayaa markii ay dayuuradda duushay ka war helay in Qaad aysan ogeyn la saaray xilli ay soo gashay hawada Somaliya, waxay markiiba ogeysiiyeen waaxda dhigooda ah ee Xamar.
Waxa dalka soo geli kara keliya diyaaradaha sida gargaarka iyo kuwa sida muwaadiniin Somaliyeed oo ku xaniban wadamada jaarka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay