X

Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad laga celiyay hawada Somaliya

Dawlada Somaliya ayaa saaka hawada dalka ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen laamaha duulista..

Dayuuradda oo ay soo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kiiniya ayaa waxaa la socday 80 rakaab Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa halkaas cudurka Kooro awgeed.


Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaas oo ku soo jeeday Xamar lagu soo qariyey Qaad ganacsi ahaan loo soo gelin rabay dalka taasoo waaxda duulistu ka war heshay.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ayaa markii ay dayuuradda duushay ka war  helay in Qaad aysan ogeyn la saaray xilli ay soo gashay hawada Somaliya, waxay markiiba ogeysiiyeen waaxda dhigooda ah ee Xamar.


Waxa dalka soo geli kara keliya diyaaradaha sida gargaarka iyo kuwa sida muwaadiniin Somaliyeed oo ku xaniban wadamada jaarka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.