X

Faahfaahin ka soo baxaysa gabadh yar oo meydkeeda laga helay Galguduud

Waxa saaka gabadh yar meydkeeda laga helay geed dushii kadib markii la diley kadibna la saaray halkaasi. Dhacdadan laga anfariirey ayaa booliisau magaaladu sheegeen inay hadda u qabteen haweenay habar-yar u ah gabadha la diley oo lagu magacaabi jirey Caasho Maxamed Shanley.


ā€¯Waxaan dilkaa foosha xun u soo qabanay gabadha habaryarteed haddana waxaan bilownay inaan ogaano sida wax u dhaceen, gadaalna waxaan ka soo sheegi doonaa, wixii macluumaada ee soo kordha ayuu yiri taliye ka hadley dilka deegaanka Godinlabe.

Deegaanada Mudug iyo Galguduud ayaa waxa sanadan dambe ka soo baxa tacadiyo laga anfariiro oo loo geysto gabdhaha yaryar. Waxana dhacdo foolxun hore uga dhacdey Gaalkacyo.


Meydka gabadha oo geed lagu dhex tuurey ayaa waxa arkey rag dhagax ka qoda aagaasi oo dareemay ur farabadan kadib =na arkey meydka gabadha.

Sawirka hoose waa goobta laga helay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.