X

Faahfaahin ka soo baxaysa Somali midi ku diley 3 qof dalkaasi Jarmalka

Booliiska dalkaasi Jarmalka ayaa gacanta ku dhigey nin Somali ah oo midi ku diley 3 qof oo ka ag-dhawaa magaalada Wuuresbeeg ee gobolka Bafaariya. Waxa kale oo uu dhaawacay 6 kale sida booliisku xaqiijay.


Ninkan ayaa sirdoonka dalkaasi sheegay inay maskaxda wax uga dhinaayeen oo ay ogaayeen xaalkiisa, isla markaana uu qabay fikradaha argagixisada Daacish.

Waxa isla markiiba la soo geliyay qaabka booliisku u qabtey ninkaas oo u muuqdey inuu cabsanaa maadaama la moodayay inuu dhacdhacayay. ”Wuxuu soo akhriyay borobagaandada kooxda Daacish ayuu yiri nin u hadlay booliiska.


Ninkan Somaliga ah ayaa midi ka qaatay tukaanada waaweyn ee laga adeegto wuxuuna isla markiiba weeraray dadkii u dhawaa, asagoo ku dhawaaqaya Allaahu Akbar sida ay sheegeen dadkii ka ag dhawaa.

Ninkan oo 24 jira ayaa sirdoonku sheegay inuu bilaa guri ahaa oo la seexin jirey guryo loogu talogalay dadka bilaa guryaha ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.