November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin ka soo baxaysa weerarkii argagixisadu ku qaadey maqaaxi ku taal xeebta Liido

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya maqaaxi lagu magacaabo Banaadir Beach oo argagixisada weerartay ayaa sheegaya in ciidamada amaanka wali ay wadaan howlgalka ay ku soo afjarayaan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA ee dawladu leedahay in Sadax ka tirsan argagixisada ay wali ku jiraan maqaayada qaybaha musqusha iyo jikada kuna hareersan yihiin.

Wali waxaa la maqlayaa Rasaas u dhaxeysa ciidanka amaanka iyo kooxaha Argagixisada ah ee soo weeray Maqaayadaan.

Maydadka Labo haweena ayaa haatan waxaa lagu arkayaa banaanka hore ee Banaadir Beach, lamana oga inta uu la egyahay Khaasaraha wali.

Kooxaha xalaashadey dhiiga muslimiinta ee hawl kale aan hayn ayaa markasta bartilmaameed ka dhigta goobaha dadku ku badan yihiin si at u xasuuqaan dad farabadan.

La soco wixii ka soo kordha

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS